Booliska Muqdisho soo qabtay hub iyo shaqsiyaad ka ganacsaayey

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay shaqsiyaad hub sharci darro ah ka ganacsanayay oo ay ku sifeeyeen qowleysato, ka dib howlgalo ay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalka oo qaatay 72 saacadood ayaa taliska gobolka Banaadir ku sheegeen in lagu soo qabtay 4 ruux, 36 qori oo 4 BKM ah, 32 AK47 ah iyo rasaas aad u badan, iyada oo baaritaanka laga sameeyey degmooyinka kala duwan ee caasimada.

Taliyaha Qaybta guud ee gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo warbaahinta la hadlay ayaa carrabka ku dhuftay in cidna hub sharci darro ah soo gali karin magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa daba socotay sida taliyuhu sheegay dhaqan galinta xeerkii mamnuucayey ka ganacsiga hubka ee golaha wasiiradda ay soo saareen bartalmihii sanadkan.

Soomaaliya oo ka soo kabaneysa tobanaan sano oo colaado iska soo horjeeda ah, waxaa dad arimaha hubka ku taqasusay ay bidhaamiyeen in guud ahaan dalka uu ku baahay hubka sharci darada ah, kaasi oo suuq madow ku yeeshay oo rayidka u gudbay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed