Booliiska Soomaaliya oo xabsiga dhigay ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan Ciidamada

Howlgal ay  sameeyeen Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 9 Eedeysane oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya . Askartan ayaa lagu eedeeyay inay jabiyeen amar mamnuucaya in la rido rasaas dabaal-deg ah inta lagu guda jiro usbuuca xorriyadda.

Arrintan la xariirto mamnuucida rasaasta ayaa ku saabsaneed ilaalinta dadka rayidk ah oo munaasabadihii hore ee xoriyadda dad kal duwan ay waxyeelo ka soo gaartay rasaasta ciidamada, taaso ay ku dhaawacmeen tiro kala duwan oo wiiftooyinka ay ugu tageen guryahooda.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee booliska gobolka Banaadir, waxaa socda baaritaan la xiriira khasaaraha ka dhashay rasaasta ay fureen ciidamada la xiray, iyada oo la soo wariyay in dad shacab ah ku dhaawacmeen 26-kii Juun xabadihii ciidamadu rideen, isla markaana ay jabiyeen amarkii lagu mamnuucay falkaas.

Xaaladdu waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta borotokoolka badbaadada inta lagu jiro dabaaldegyada dadweynaha, gaar ahaan marka ay timaado isticmaalka hubka.

Todobaadka xorriyadda Soomaaliya ayaa billowday habeenimadii Talaadada kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kumannaan dadweyne ah ay calanka u taageen munaasabad ka dhacday Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed