Booliiska Caalamiga ah iyo Kan Soomaaliya oo nin ku eedeysan dil gacanta ku dhigay dalka dibadiisa isla markaana ka dejiyay Puntland

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa maanta ka dejiyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Eedeysane Maxamed Cumar Ciise, kaas oo maalin ka hor laga soo qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Eeedeysanaha ayaa toos loogu wareejiyay ciidamada Booliiska gobolka Nugaal ee maamulkaas.

War ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed ay maanta diyaarad ku qaadeen Eedaysanaha kaas oo horay dil u geystay.

Dhanka kale, qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay maanta la wareegeen ninkaan oo garoonka diyaaradaha Garoowe laga soo dejiyay.

Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax kaasi oo Garoowe ka dhacay 17 May 2023 waxaana soo qabashadiisa iska kaashaday Booliska Adduunka ee Interpol iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax dhawaan la horgeyn doono Maxkamadda Awoodda u leh kiiskiisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed