Bangiga Adduunka oo Soomaaliya siinaya in ka badan 100 Milyan oo doollar

Guddiga Sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag dhan $125 milyan oo Doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay maalgelinta siyaasadda horumarinta dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Madaxda sare ee Bankiga adduunka ayaa sheegay in lacagta ay uga goleeyihiin in ay taageeraan dhaqaalaha Soomaaliya sidii u kobci lahaa, isla markaasna loo maalgalin lahaa ganacsiyada yar yar ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Bankiga Adduunka ayaa sida oo kale lagu sheegay in dhaqaalaha ay bixiyeen lagu taageerayo dadaalada wax ka qabashada isbadalka cimilada, maalgalinta beeraleyda, kalluumeysatada iyo dhiirigalinta ganacsiyada yar yar.

Deeqdan, oo ay bixiyeen ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka ayaa sida oo kale waxaa qorshaha ugu muhiimsan yahay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, isla markaasna gargaar loo gaarsiin lahaa xoolo-dhaqatada Soomaalida.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinayo kaalmada waqtigeeda ku soo beegantay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay qorshaha horumarinta dalka.
“Waxaan u mahadcelineynaa Guddiga Agaasimayaasha Fulinta ee Bangiga Adduunka oo maanta ansixiyay deeqdan maalgelinta Siyaasadda Horumarinta ee $125 milyan ee USD” ayuu yir Wasiir Biixi.
waxa uu intaa ku daray “Kaalmadan lacageed waa mid ku soo beegantay waqtigii loogu talo galay, waxaanay gacan ka geysan doontaa horumarinta dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kobcinta dakhliga gudaha, xoojinta maamulka maaliyadda dawladda, horumarinta deymaha, iyo taageeridda horumarinta ganacsiga gaarka ah,” ayuu yiri wasiir Biixi

Bankiga adduunka ayaa kamid ah hay’addaha beesha caalamka ee dowladda Soomaaliya ka taageera dhinac horumarinta iyo maalgashiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed