Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga shaqaalaha

Xildhibaanada Baarlamaanka golaha shacabka ayaa meel mariyay maanta sharaciga shaqada,ka dib kulanka ay isugu yimaadeen xarunta villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kaasi oo ilaalinaya xuquuqda shaqaalaaha.

138 Mudane oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa u codeeyay Sharciga Shaqada, waxaana diiday 4 Xildhibaan halka uu ku aamusay hal Mudane sida uu sheegay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoonka Golaha.

Xildhibaannada ayaa akhrinta kowaad, labaad iyo seddexaad marsiiyay sharcigaan oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukumadda Soomaaliya.

Soo jeedintan xeerkaan ayaa waxaa horay u soo jeediyey qaar ka mid ah xildhinbaanada baarlamaanka golaha shacabka, iyada oo ugu dambeyn uu maanta ka soo gudbay aqalka hoose waxaana uu u gudbi doonaa kan sare.

Sharcigaan haddii uu kasii gudbo aqalka sare waxaa saxiixi doona ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh MAxamuud waxaana uu sidaas ku noqon doonaa sharciga sharci sax ah oo ilaaliya xaquuqda shaqaalaha.

Sharcigaan waxaa uu xaquuq siin doonaa shaqalaaha kala duwan ee Soomaaliya ee ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda, sida in uu helo xaquuq ku filan, deegaan wanaagsan iyo in uu heli doono haddii uu shaqada ka gaboobo xaquuq u gaar ah sida tan caalamka

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed