Baaq culus oo ku aadan dagaalka Qasa oo ka soo baxay dalal Yurub & Islaam ah

Kukankan oo ay magaalada Madrid ku yeesheen qaar ka mid ah dalalka Yurub & kuwa Muslimka ayaa laga soo saaray baaqa ah in la hirgaliyo hannaanka xalka laba dowladood oo daris ah oo ay yaasheen Falastiiniyiinta & Israa’iliyiinta isla markaana si buuxda ciidamada Israa’iil looga saaro marinka Qaza oo ay ku jirto marinka Philadelphi.

Marka laga reebo Spain oo martigelinaysa shirka waxaa ka soo qayb galay wasiirrada arrimaha dibadda ee Norway iyo Slovenia, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, Ra’iisul wasaaraha Falastiin Mohamed Mustafa iyo xubno ka socday kooxda xiriirka Carabta iyo Islaamka ee Gaza oo ay ku jiraan dalalka Saudi Arabia, Masar, Qatar, Jordan , Indonesia, Nigeria iyo Turkiga.

War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu yiri: “Waxaan si buuxda u taageereynaa dadaallada dhexdhexaadinta ah ee socda oo ay wadaan Masar, Qatar iyo Mareykanka, waxaana ka soo horjeednaa dhammaan tallaabooyinka lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hannaankan dhexdhexaadinta ah laguna soo afjaro dagaalka Gaza”.

“Waxaan si isdaba joog ah ugu baaqaynaa xabbad-joojin degdeg ah oo joogto ah oo ka hirgasha Gaza iyo sii deynta la haystayaasha iyo maxaabiista. Waxaan sidoo kale ku baaqaynaa in si buuxda loogu wareejiyo maamulka Falastiiniyiinta marinka Rafah iyo guud ahaan xudduudaha iyo in si buuxda looga saaro ciidamada Israel Gaza oo ay ku jirto Philadelphi” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri “Beesha caalamku waa inay qaadaan tillaabooyin firfircoon si loo hirgeliyo xalka labada dawladood, oo ay ka mid tahay aqoonsiga caalamiga ah ee Dawladda Falastiin, iyo oggolaanshaha inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.”

Shirka ayaa sidoo kale ku baaqay in loo baahan yahay in si deg deg ah gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo Falastiiniyiinta ku sugan Qaza.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed