Askartii loo dilay habka qabiil oo aas qaran loogu sameeyey Beledweyn

Magaalada Baledweyne ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey askartii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka oo dhawaan lagu dilay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Meydadka askarta oo gaaraya 6 askari oo mudo todobaad ka badan ku keydsanaa Qaboojiyaal ayaa aaska qaran ee loo sameeyey waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, maamulka Hirshabeelle, madax dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

In la aaso Askarta ayaa la sheegay inay isku fahmeen waxgaradka Beelaha Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, dabadeedna ay ka xaajoon doonaan sida hadalka loo dhigay wax walba oo xal u ah xiisadii ka dhalatay dilka askartaan oo qabiil ahaan loo dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa u jartay warqadda lagu soo qabanayo 14 ruux oo ku eedeeysan inay ka dambeeyeen dilkii loogu geystay askarta deegaanka Ceel baraf.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowlada Fedaraalka guud ahaan ayaa si weyn uga carooday in qabiil ahaan loo beegsado askarta ciidamada qaranka, waxaana dilka askartaan uu noqday mid muujinaya in heerka dagaalada qabiil uu gaaray halkii ugu dambeysay.

Waxaa isha lagu wada hayaa halka kiisaan carada badan dhaliyay ay dowladda fedaraalka Soomaaliya kusoo afjari doonto, iyada oo dad la tuhunsan yahay ay xabsiga u dhigtay dowladdu.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed