Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Ciidaan Kenyaan ah iyo dad shacaba oo lagu dilay xadka Soomaaliya iyo kenya ay wadaagaan, kadib markii A-shabaab ay qaraxyo la beegsadeen gawaari ay wateen Ciidanka xaduudka ee dalkaasi, iyada oo weerarkaasi ay ku dhinteen dad shacab ah halka kuwa kalan ay ku dhaawacmeen.
Hey’addaha ammaanka dalkaasi Kenya ayaa Al-shabaab ku eedeyay in ay weeradaasi ka dambeyeen, arrintaan ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan Soomaaliya iyo Kenya ay hishiis ku gaareen in la furo xadka labada dal kaas oo xirnaa taniyo 2011.
A-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro kal fuliyay xadka labada dal oo ay ku dileen Askar iyo dad shacab ah.
HBN NEWS DESK