Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu maanta kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo muddooyinkii la soo dhaafay ay socotay dooddiisa.
Kulanka oo lagu soo bandhigay nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1aad – 4aad ee Dastuurka KMG ah ee ka soo gudbay marxaladda labaad, isla markaana waxaa loo dul istaagay qodob qodob, iyagoo hubinayey habka loo soo qaabeeyay looguna badalay luqad dastuur aragtiyadii iyo soo-jeedinnadii Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Arrinta wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, xilli ay si weyn kaga soo horjeedaan madax hore, siyaaaiyiin, xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, dhammaantood waxay soo jeediyeen in tallabadaan ay sababi karto khilaaf siyaasaseed iyo waxyeelada midnimada Soomaaliya.
Si kastaba dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u caddeysay in aysan gorgorton ka gali doonin arrimaha ku xeeran dastuurka isla markaana ay ka go’an tahay meel marintiisa.
HBN NEWS DESK