AMTIS oo sheegtay in ay ku fashilisay Qarax duleedka Afgooye

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in ka hortageen oo burburiyeen qarax miino ahaa, ka dib howlgal ay sameeyeen deegaano duleedka ka aha magaalada Muqdisho.

Taliska ATMIS ayaa carabaabay in kooxdooda u qaabilsan ka hor tagga walxaha qarxa oo kaashaneysa hay’adda miino baarista ay deegaanka Carbiska ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku burburiyeen waxyaabo qarxa.

ATMIS ayaa intaasi ku dartay in howgalkan looga gol lahaa in shacabka looga ilaaliyo halista waxyaabaha aanan qarxin & rasaasta sidii la rabay u qarxi wayday ee ay ka tageen kooxda Al-Shabaab.

Ma sheegin ATMIS in qaraxaan uu ahaa mid hadda la soo dhigay goobta ama haraadi ka haray rasaas horay loo isticmaalay,waxaana kooxaheeda Waddo Baarista iyo ka hortagga waxyaabaha qarxa ay tilmaaantay in ay ka go’an tahay dhawrista dadka rayidka ah, iyaga oo ku dadaaleya dhimista halisaha ka imaan karta rasaasta iyo waxyaabah qarxa.

Dhowr jeer laamaha amaanka ayaa horay u sheegay in duleedka Muqdisho ay kaga hortageen qaraxyo la doonayey in la soo galiyo magalada, halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay adkeysay amniga Caasimada.
HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed