Alshabaab oo gaari xamuul waday ku gubay gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya deegaanka Dhaankalle oo qiyaastii 7-km koonfur kaga aadan degmada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegaaya in Al-Shabaab ay ku gubeen Gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah iyo rar kale, sida ay ku soo warameen dad goobjoogayaal ah.

Gaariga la gubaay oo nuuciisu ahaa Biijii ayaa ka yimid degmada Ceel-buur, kuna sii jeeday magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa la sheegay in uu waday dad shacab ah iyo raashin, iyada oo ay goobta ka baxsadeen dadkii la socday, mana jiraan khasaare soo gaaray dadka shacabka ah ee la socday Gaariga la gubay, sida ay xaqiiijiyeen dad ka ag dhawaa halka gaariga lagu gubay.

Gaariga ayaa marayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Camaara iyo Dumaaye ee isla gobolka. Dhanka kale, ilo wareegyo kale ayaa inoo sheegay in gaariga la gubay oo uu lahaa mid ka mid ahaa ganacsatada Camaara ayaa la sheegay in uu waday Dhuxul sida aan xogta ku helnay.

Deegaanka lagu gubay gaariga iyo degamada uu hoos tago ee Camaara ayaa la tilmaamay in ay joogaan kooxda Alshabaab, kuwaa dhaqdhaqaaq ka sameeya. Maamulada Puntland iyo Galmudug oo si joogta ah howlgalo uga fuliya halkaa kama soo bixin wax war oo ku aadan arinkan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed