Hoggaamiyaasha Al Shabaab oo Ka baxay Ceelbuur iyo Faah Faahino Dheeraad ah.

Hoggaamiyaasha Al shabaab ayaa ka baxay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo kamid aheyd degmooyinka laf dhabarta ah ee ay ku suganaayeen guud ahaan Soomaaliya, waana magaalada ugu weyn uguna muhiimsaneed Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda Faderaalka ayaa shaacisay in hoggaamiyaasha Al Shabaab ay ka ruqaansadeen Ceelbuur  habeenadii Axada iyo Isniinta ee todobaadkan, Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa  u sababeysay ka bixidda hoggaamiyaasha  ee Ceelbuur gulufka dagaal oo ay waddaan Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddooyinkii dambe howlgallo xooggan oo dhan ah iyaga.

Ilaa hadda dowladdu kala hadlin halka ay u dhaqaaqeen hoggaamiyaasha Al shabaab, ee ka baxay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dhowr bila kahor dagaalo ka dhacay Ceelbuur oo dhexmaray Dowladda iyo Al Shabaab, waxaa gacan ku heynta magalaada ay ku hartay Kooxda AS ee dagaal ku kula jirto Dowladda Soomaaliya.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed