Aabbe iyo Wiil uu dhalay oo ku dhintay ceel biir ah gobolka waqooyi Bari

Allaha u naxriistee, Aabe, iyo wiil uu dhalay ayaa dhintay kadib markii ay ku dhaceen ceel biir ah oo ku yaala deegaanka Ogoraalla oo ka tirsan degmada Tabat ee ismaamulka Wajeer ee gbolka waqooy Bari.

Qoyskan ayaa dhintay kaib markii wiilka uu isku dayay inuu soo badbaadiyo neef ari ah oo ay lahaayeen oo marka hore ceelka ku dhacay balse nasiib daro uu halkaas ku dhintay, kaddibna aabaha wiilka dhalay ayaa isna isku dayay inuu wiilkiisa soo badbaadiyo , isna sidaas ayuu ku dhintay sida uu BBc-da u sheegay Cabaas Calasoow Maxamed oo ah guddoomiyaha dowladda dhexe ku metela deegaanka Ogoraala.

Cabaas waxa uu sheegay in ilaa seddex saac ay ku jireen ceelka ka hor inta aan lagasoo saarin meeydkooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed