Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa shirka madaxda hay’adaha socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) ku soo bandhigay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad.
Shirka oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana diiradda lagu saaray fulinta go’aannada Golaha Wasiirrada EAC, mideynta habraacyada socdaalka iyo aqoonsiga kaararka aqoonsiga qaranka ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay casriyeynta adeegyada socdaalka iyo sidii loo fududeyn lahaa isu-socodka muwaadiniinta dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.
Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC u soo bandhigay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad (Third Generation E-Passport).
Baasaboorkan ayaa lagu qalabeeyay teknoolojiyad casri ah iyo astaamo amni oo heer sare ah, waxaana lagu sheegay inuu ka tarjumayo aqoonsiga qaranka, hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya.
Masuuliyiinta Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay ayaa sheegay in dalka uu fursad u noqday in uu madaxda gobolka la wadaago horumarka uu ka sameeyay casriyeynta dukumentiyada iyo adeegyada socdaalka.
HBN ONLINE TV

