Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku-duwidda arrimaha gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya (OCHA) ayaa sheegay in cabsidii laga qabay in macaluul ka dillaacda xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ay meesha ka baxday, balse malaayiin qof oo Soomaali ah ay weli wajahayaan cunto-yaraan ba’an iyo nafaqo-darro.
Warbixin cusub oo ay soo saartay OCHA ayaa lagu sheegay in barakacayaasha ku sugan Baydhabo ay weli ku jiraan heerka afraad ee xaaladda cunto-yaraanta ba’an iyo heerka afraad ee nafaqo-darrada, iyadoo xaaladdan la filayo inay sii jirto illaa dhammaadka bisha Diseembar ee sanadkan 2026.
Hay’addu waxay xustay in saadaashii laga qabay fatahaado ba’an oo la xiriiray dhacdada El Niño iyo barakac ballaaran aysan dhicin, isla markaana aan la filayn inay dhacaan ka hor dhammaadka sannadka 2026.
Sidoo kale, Warbixinta ayaa sheegtay in soo noqoshada fursadaha nololeed, awoodda wax-iibsiga dadka iyo yaraanshaha barakaca ku soo qulqulaya Baydhabo ay gacan ka geysteen isbeddelka saadaasha xaaladda bani’aadannimo.
Tirada barakacayaasha Baydhabo ee la saadaaliyay inay wajihi doonaan cunto-yaraan heerka saddexaad ama ka sarreeya ayaa hoos u dhacday 77-kun oo qof, marka loo eego saadaashii hore ee bishii Agoosto.
Dhanka kale, OCHA waxay sheegtay in qiyaastii 5.3 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan cunto-yaraan heerka saddexaad ama ka sarreeya muddada u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar 2026, taasoo wax yar ka hooseysa saadaashii hore ee ahayd 5.4 milyan oo qof.
Inkasta oo saadaashii macaluusha Baydhabo meesha ka baxday, haddana hay’addu waxay ka digtay in xaaladda guud ee cunto-yaraanta iyo nafaqo-darrada Soomaaliya ay weli tahay mid u baahan gargaar bani’aadannimo oo joogto ah.
Hbn Online Tv

