Hay’adda dabagalka colaadaha ee ACLED ayaa ka digtay in xiriirka Imaaraadka Carabta uu la leeyahay qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya uu sii xoojinayo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyadoo sheegtay in ismari-waaga siyaasadeed ee muddo dheeraada uu horseedi karo dib u soo laabashada colaado hubeysan.
Falanqeeyaha ACLED ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Da’uud, ayaa sheegay in Imaaraadku xiriir la leeyahay Jubbaland, Puntland, Somaliland iyo hogaamiyaha maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka.
Da’uud ayaa sidoo kale xusay in Abu Dhabi ay taageerto dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka jira gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Arrintan ayaa keentay in Muqdisho ay Imaaraadka ku eedeyso inuu saaxiibbadiisa u adeegsanayo wiiqidda awoodda dowladda dhexe.
DFS ayaa toddobaadkii hore Imaaraadka ku eedeysay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalka, isla markaana uu wax u dhimayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka. Dowladda ayaa sidoo kale dalbatay in dalka laga saaro safiirka Imaaraadka.
Muqdisho ayaa ku baaqday in dhammaan xiriirrada iyo wada-shaqeynta Imaaraadka ee Soomaaliya loo maro Dowladda Federaalka.
Dhankeeda, Imaaraadku wuu diiday eedeymahaas, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay dano shaqsiyeed ka hormarineyso danta qaranka. Waxa uu sidoo kale sheegay in safaaraddiisa Soomaaliya ay xirneyd tan iyo Janaayo 2026.
Sida ay ACLED sheegtay, danaha dhaqaale ayaa qayb ka ah sababaha Imaaraadku ugu lug leeyahay arrimaha Soomaaliya, iyadoo ay barbar socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyo Daacish oo ka dagaallanta waqooyiga dalka.
Imaaraadka ayaa maalgelin xooggan ku sameeyay dekedaha Berbera iyo Boosaaso, wuxuuna labada magaalo ku leeyahay saldhigyo milatari oo casri ah, kuwaas oo kala hoos yimaada Somaliland iyo Puntland.
Saameynta milatari ee Imaaraadka ayaa sidoo kale ka muuqata xogta ACLED, taas oo diiwaangelisay 43 duqeyn oo cirka ah oo Imaaraadku la beegsaday Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay buuraha Cal Miskaad iyo Golis ee gobolka Bari, tan iyo Janaayo 2025.
Inta badan duqeymahaas ayaa dhacay bishii Febraayo 2025, xilli Puntland ay kordhisay howlgalladeeda ka dhanka ah Daacish.
Falanqeeyaha ACLED, Maxamed Da’uud, ayaa sheegay in xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka uu sii xumaaday, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadalladii doorashada qaranka ee u dhexeeyay dowladda iyo isbahaysiga mucaaradka, kuwaas oo la filayay inay furmaan 14-kii bishaan Novembar.
Wadahadallada ayaa furmi waayay, kadib markii isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradku uu qaadacay ka qeybgalka. Muqdisho ayaa horay Imaaraadka ugu eedeysay inuu taageero xubno ka tirsan isbahaysigaas.
Da’uud ayaa sheegay in khilaafaadka la xiriira awood-qaybsiga iyo dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka ay muddo dheer caqabad ku ahaayeen siyaasadda Soomaaliya, isla markaana ay qayb ka yihiin loollan ballaaran oo ku saabsan awoodda siyaasadeed iyo sida awoodaha loogu kala qeybinayo Dowladda Federaalka iyo maamullada gobollada.
ACLED ayaa ka digtay in haddii khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamullada gobollada uu sii dheeraado, ay taasi abuuri karto xaalad amni oo horseedi karta dib u soo laabashada colaado hubeysan.
Hbn Online Tv

