Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya ciidamada dowlada uu duqeymo cirka ah ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab intii u dhexeysay 13-kii ilaa 15-kii Nofeembar, sida lagu sheegay warsaxaafadeed caawa soo baxay.
War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in duqeymaha laga fuliyay 3 goobood oo kala ah Leego, oo 114 kiiloomitir waqooyi-galbeed ka xigta Muqdisho, Yora Lafagari, oo 160 kiiloomitir galbeed ka xigta Jilib iyo Jamaame oo 47 kiiloomitir waqooyi-bari ka xigta Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadayso iskaashiga AFRICOM ee ciribtirka Al-Shabaab.

