Howlgal lagu dilay xubin sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda oo ka dhacay Bakool

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyey duleedka deegaanka Moora-hagar Guudale, oo hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool, lagu dilay Mustaf Maxamed Dhaayow, oo ahaa mas’uul sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda.

Deegaankan ayaa qiyaastii 20-km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Xudur.

Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Ciidamada Xoogga Dalka, Dhaayow ayaa kooxda u qaabilsanaa ururinta lacagaha iyo xoolaha, kuwaas oo dowladda ay ku tilmaanto “baad si khasab ah looga qaado shacabka.”

Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubintan, xilli uu ku howlanaa sida hadalka loo dhigay “dhaca iyo dhibaateynta bulshada” ku nool deegaanka Moora-hagar iyo nawaaxigiisa .

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah sida la tilmaamay howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolka Bakool, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha sare ee Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay ciidamada, iyadoo sheegtay in howlgalladu sii socon doonaan. Si kastaba, faahfaahin lagama bixin muddadii uu Dhaayow kooxda ka tirsanaa iyo xilalkii kale ee uu soo qabtay. Sawirka xogtiisa oo la siidaayey ayaa muujinaya inuu ahaa qof da’diisu u dhexeyn karto 40 ilaa 60 sano.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed