Hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Hiiraan, xilli maamulkiisu uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo gobolka kaga imaanaya.
Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay ayaa lagu sheegay in yahay Cabdullaahi Barre Cilmi, oo horey uga soo shaqeeyay dhanka ciidamada, isla markaana leh darajada Gaashaanle Sare.
Magacaabistan ayaa timid xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan, kaas oo muddooyinkii dambe saameyn ku yeeshay xiriirka maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada deegaanka.
Sida ay sheegtay madaxtooyada maamulka, go’aanka magacaabista ayaa mid ay si wadajir ah isula qaateen hoggaamiyeyaasha maamulka Hirshabeelle.
Magacaabistan ayaa la filayaa inay yeelato saameyn siyaasadeed iyo mid maamul, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay bulshada iyo dhinacyada khilaafku u wajihi doonaan go’aankan cusub.
Horey, gudodomiyihii dhawaan loo magacaabay gobolka Muuse Salaad Weheliye, ayaa iska casilay xilkii loo dhiibay isaga oo aan ku howlgalin, iyada oo gudoomiyihii xilka laga qaady Maxamed Xuseen Maxamed uu ku dhawaaqay go’aamo adag oo ka dhan ah Hirshabeelle, wuxuuna diiday in wax xil ka xayuubin ah lagu sameeyo.
HBN ONLINE TV

