Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Israa’iil iyo Taiwan ay khatar ku yihiin jiritaanka iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daahfurayay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa xusay in Shiinuhu yahay mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow Soomaaliya, isla markaana uu maalgelinayo dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka, oo sidoo kale lagu dari doono isbitaal loogu talagalay ciidamada qalabka sida.
“Maanta, Taiwan waxay ka mid tahay waxyaabaha khatarta ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida dadeed iyo daleed ee Soomaaliya, Israa’iil ayaa iyana khatar ku ah. Waxaan ognahay saaxiibbadeenna dhow iyo kuwa aan saaxiibka ahayn,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa dhaliil u jeediyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay xalal shisheeye raadinayaan, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan wada-hadallada siyaasadeed.
HBN ONLINE TV

