Safiirada UK ee Soomaaliya oo  hoggaamiyaha Galmudug ugu yeeray xil ka duwan kan dawlada federaalku u aqoonsan tahay

Danjiraha Britain u qaabilsan Soomaaliya, Charles King, ayaa hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ugu yeeray “Madaxweyne”, xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay madaxda dowlad-goboleedyada ku magacowdo “Hoggaamiye”, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan aragtida beesha caalamka ee dastuurka cusub ee dalka.

Britain ayaa sheegtay in ay Galmudug la leedahay iskaashi ballaaran, iyadoo wada-hadalado dhinacyada dhexmaray lagu soo qaaday xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay in Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan uu khadka telefoonka kula hadlay safiirka Britain, isaga oo uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee UK ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed oo la xiriira dastuurka cusub, nidaamka doorashooyinka iyo awoodaha dowlad-goboleedyada, iyadoo beesha caalamku ay muujineyso taageerada ay u hayso geeddi-socodka doorashooyinka tooska ah ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed