Maxay yihiin hadalada meel ka dhaca ah ee Trump ku weeraray Soomaalida Maraykanka?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadallo kulul ku weeraray markale bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, gaar ahaan kuwa deggan gobollada Minnesota iyo Ohio, isaga oo tilmaamay inaysan ahay inay ku noolaadaan dalkiisa.

Trump ayaa ku andacooday in Soomaalidu ay burburisay waa sida uu hadalka u dhigaye gobolka Minnesota, isagoo intaas ku daray in uu ka walaacsan yahay Soomaalida ku sii badanaysa gobolka Ohio, halkaas oo uu ku eedeeyey inay isku dayayaan inay saamayn ku yeeshaan doorashooyinka, isla markaana ay dhisanayaan bulshooyin u gaar ah.

“Ma doonayo inay Soomaalidu ku noolaadaan Mareykanka” ayuu yiri Trump, wax kadibna wuxuu sii raaciyey in raaciyey “Soomaalidu waxay burburisay gobolka Minnesota”.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa intii uu waday hadalada uu ku weeraraye Soomaalida dalkaasi ku tilmaamay dad ka yimid dal uu ku sheegay mid aan lahayn dowlad, ciidan iyo boolis shaqaynaya, isagoo Soomaaliya ku sifeeyey dal ay ka jiraan dilal & rabshado.

Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in dadkaasi ay ku bataan gudaha Mareykanka, isaga oo hadalladiisa ku muujiyey diidmo ka dhan ah joogitaanka Soomaalida ee dalkaas.

Inkasta oo marar badan si aan xad lahayn u weeraray Soomaalida dalkaasi ku nool madaxweyne Trump, hadane waxaa maanta Maraykanka ka bilowday doorashooyinka dhexe ee lagu soo dooranayo xubnaha golaha Congres-ka. Trump, oo bilihii u dambeeyay la kulmay heerar taageero oo aad u hooseeya, ayaa si xooggan olole u waday, isaga oo hormuud ka ahaa tobnaan isu-soo-baxyo doorasho oo dalka oo dhan ka dhacay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed