Dagaal culus ayaa la soo warinayaa inuu mar kale dib uga qarxay magaalada Mooyaale ee ku taalla xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Kenya, kaas oo u dhexeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada.
Iska horimaadka oo billowday xalay ayaa socday illaa barqadii maanta, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan, waxaana la soo sheegay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen maleeshiyaad ka tirsan qowmiyadda Oromada, kaddibna ay iska caabiyeen dhinaca Soomaalida. Iska horimaadkan ayaa daba socda colaado hore uga dhacay Mooyaale, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhowaad 100 qof, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhowaad 50,000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen.
Hay’adda ACLED oo la socota dhaqdhaqaaqyada hubeysan ayaa sheegtay in xiisadda ugu dambeysay ay bilaabatay 18-ka bishii hore eeOktoobar 2026, kaddib markii xafiis cusub oo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida uu ka furay goob lagu muransan yahay, halkaasna laga taagay calanka maamulka.
Xiisaddu waxay sii xoogaysatay 22-kii isla bishaasi, iyadoo ay isku dhaceen ciidamo ka kala tirsan labada maamul iyo maleeshiyaad, dagaalkuna ku fiday deegaanno kale.
Dhanka kale, hay’adda UNHCR ayaa 28-kii bishii hore ee Oktoobar sheegtay in qiyaastii 50-kkun oo qof ay u gudbeen dalka Kenya, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.
Dadka barakacay qaarkood waxay hoy ka heleen qaraabadooda iyo bulshooyinka deegaanka, halka kuwo kalena ay degeen iskuullo iyo kaniisado, iyadoo baahiyaha ugu waaweyn ay yihiin cunto, biyo nadiif ah, hoy, adeegyo guud iyo daryeel caafimaad.
HBN ONLINE TV

