Qaramada Midoobay oo beesha caalamka ugu baaqday inay sii waddo taageerada Soomaaliya kaddib dhammaadka UNTMIS

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, kaddib markii la soo gabagabeeyay howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee UNTMIS, kaas oo muddo dheer dalka ka howlgallayay.

Guterres ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado dhinacyada siyaasadda, amniga, bani’aadannimada iyo horumarka, taas oo ka dhigaysa taageerada caalamiga ah mid muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka dalka.

Wuxuu xusay in taageerada beesha caalamku ay muhiim u tahay xoojinta hay’adaha dowladda, horumarinta wada-hadallada siyaasadeed ee loo dhan yahay, dib-u-heshiisiinta qaranka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Xoghayaha Guud ayaa caddeeyay in dhammaadka UNTMIS uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay joojinayso taageerada Soomaaliya, balse ay sii mari doonto hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada kala duwan ee ay dalka ka waddo, iyadoo la shaqaynaysa dowladda Federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Guterres ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed, isaga oo mahadcelin u jeediyay shaqaalihii ka qeyb qaatay howlgalka UNTMIS iyo kuwii ka horreeyay. Wuxuu ku baaqay in taageerada nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya ay sii socoto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed