Dowladda Uganda ayaa billowday qorshaha ay ciidamadeeda kaga saarayso Soomaaliya, kuwaas oo dalka ku joogay heshiis laba-geesood ah oo ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waaxda warfaafinta Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa sheegay in howlgalkan bixitaanka ah uu si rasmi ah u bilowday, iyada oo Dufcaddii ugu horreysay ee qorshaha bixitaanka uu durba dib ugu laabatay dalkooda. UPDF ayaa sheegtay in ciidamada ku jooga Soomaaliya heshiiska laba-geesoodka ah lagu soo celin doono Uganda maalmaha soo socda.
Dufcaddii ugu horreysay oo ka kooban 109 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda ayaa la sheegay inay Jimcihii ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, sida warbaahinta madaxaliga ah sheegtay.
Uganda ayaa sidoo kale qorshaynaysa inay si tartiib-tartiib ah Soomaaliya ugala baxdo dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa ka howlgala Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Qorshahan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dhammaadka sannadka sanadka 2027.
Tallaabadan ayaa soo afjari doonta muddo 20 sano ah oo ciidamada Uganda ay Soomaaliya ka wadeen howlgallo nabad ilaalin iyo xasilin ah. Uganda ayaa muddo dheer qayb ka ahayd dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta Difaaca Uganda, Gaashaanle Sare Chris Magezi, ka bixitaanka ciidamada ayaa fursad siin doona Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007, xilligaas oo la aas-aasay Howlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM, kaas oo ujeeddadiisu ahayd ilaalinta dowladdii ku-meelgaarka ahayd iyo la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab. Ciidamada Uganda ayaa door muhiim ah ka qaatay dib u qabsashada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo muhiim ah.
Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale qayb ka ahaa howlgalladii xigay ee Midowga Afrika, oo ay ku jireen ATMIS iyo AUSSOM oo la wareegay hawlgalka sannadkii 2025.
Si kastaba ha ahaatee, ka bixitaanka hadda socda ma aha mid u muuqda in la soo afjarayo dhammaan joogitaanka milatari ee Uganda. 31-kii bishii hore ee Octobar 2026, Milatariga Uganda ayaa ku dhawaaqay in ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada 48-aad loo soo diray Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya Howlgalka AUSSOM.
Qiyaastii 4,500 oo askari ayaa ku jira howlgalka Midowga Afrika, halka ku dhowaad 2,000 oo kale ay ku joogaan heshiiska laba-geesoodka ah.
Dhanka kale, howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM ayaa wajahaya hubanti la’aan la xiriirta dhaqaalaha lagu maalgeliyo, kaddib qorshayaasha lagu dhimay taageerada Mareykanka iyo Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa la filayaa inay raadiyaan ilo dhaqaale oo kale, iyadoo qorshe ku-meelgaar ah oo 12 bilood ah la filayo inuu bilaabmo bisha Janaayo, si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee la wareegaya mas’uuliyadda amniga dalka.
HBN ONLINE TV

