Ugu yaraan 109 qof oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti labadii maalin ee ugu dambeysay todobaadka hore. Doontan ayaa siday dad gaaraya 350 qof, kuwaas oo ka safrayay Jabuuti kuna sii jeeday dalka Yemen.
Sida ay sheegtay Hay’adda IOM doontu waxay ku degtay meel u dhow magaalada Obukh ee waqooyiga Jabuuti, waxaana dhacdaan la diwaan galiyey 8-dii ilaa 9-kii bishaan Oktoobar oo ku aadan Khamiistii iyo Jimcihii aan ka soo gudubnay. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 52 rag ah, 42 haween ah iyo 15 carruur ah, oo kala ah 9 gabdhood iyo 6 wiil.
Hay’addu waxay sheegtay in in ka badan 100 qof ay weli maqan yihiin, halka in ka badan 80 qof ay ka badbaadeen shilkan. Dadka badbaaday ayaa dhammaantood ahaa muwaadiniin u dhashay dalka Itoobiya.
Muhaajiriintan ayaa doonayay inay gaaraan sida la tilmaamay dalka Yemen oo isaguba hadda wajahaya xaaladda colaad oo adag, iyagoo rajeynayay inay halkaas uga sii gudbaan dalalka hodanka ah ee Khaliijka Carabta si ay uga helaan shaqooyin iyo nolol dhaqaale oo wanaagsan, Hase yeeshee, safarkan ayaa ah mid khatar badan, gaar ahaan marka laga gudbayo marin-biyoodka Bab al-Mandab.
IOM ayaa dhacdadan ku tilmaantay musiibo weyn, iyadoo sheegtay in saboolnimada, amni-darrada iyo saameynta isbeddelka cimiladu ay dad badan ku khasbaan inay galaan safarro halis ah. Shaqaalaha hay’adda iyo maamulka Jabuuti ayaa wada dadaallo lagu caawinayo dadka badbaaday iyo qoysaska ay eheladoodu ku dhinteen ama weli la la’yahay.
HBN ONLINE TV

