Jabhadda gobolka Soomaalida ee ONLF ayaa sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay xoogagga ay ku mideysan Isbahaysiga Ciidamada Shacabka Itoobiya ee “Badbaadada”, kuwaas oo ka dagaallamaya jiidaha waqooyiga dalkaas. Tani waxaa loola jeeda in taageeradan ay ku socoto TPLF oo hadda iyadu ah cidda dagaalka adag kula jirta ciidamada Dowladda.
War-saxaafadeed uu soo saaray garabka ONLF ee dibad joogga ah oo soo baxay 10-kii Oktoobar 2026, balse ay baahisay maanta ayey ku bogaadisay dagaalamayaasha sida hadalka loo dhigay difaacaya dadkooda, iyadoo sheegtay inay wajahayaan dagaal loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, go’doomin iyo gaajeysiin.
ONLF ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya iyo xulafadeeda u dabaaldegayaan guulo ay ka sheeganayaan dagaalka, sida ay sameeyeen bishii Nofeembar 2020, markii ay ku dhawaaqeen in dagaalkii Tigray uu dhammaaday.
Sidoo kale, Jabhaddu ayaa xustay in 7 bilood kadib dagaalkaasi ay ciidamada dowladda dib u gurasho sameeyeen, iyadoo ku dooday in dagaallada loogu jiro badbaadada shucuubta aan lagu go’aamin dagaallo kooban, balse lagu go’aamiyo rabitaanka iyo adkaysiga dadka.
Jabhadd ayaa tilmaantay in taariikhdeeda oo ka badan 40 sano ay muujinayso in maamulladii kala dambeeyay ee Addis Ababa ay marar badan ku dhawaaqeen jabka xoogaga mucaaradka ah ee hubeysan, balse maamulladaasi ay meesha ka baxeen iyada oo halganka uu sii socdo. Waxay intaas ku dartay in Isbahaysiga loogu yeero “Badbaadada” loo dhisay mideynta 7 xoogag siyaasadeed iyo kuwo hubaysan oo ka jira Itoobiya, kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan sida ay hadalka u dhigtay nidaamka Xisbiga Abiy Axmed ee Barwaaqo, isla markaana dhisaan dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay, kuna shaqaysa axdi ku-meel-gaar ah.
ONLF ayaa gabagabadii sheegtay in qabsashada magaalo ama dib u furista garoon diyaaradeed aysan waxba ka beddelayn waxa ay ku tilmaantay “awood la’aanta dowladda Itoobiya” ee ku aaddan xaqiijinta nabadda. Waxay ugu baaqday shacabka gobolka Soomaaliya iyo dhammaan shucuubta Itoobiya inay adkaystaan, iyadoo caddeysay in halgankoodu sii xoogaysan doono ilaa laga gaarayo ujeeddooyinkooda, balse ma aanay sheegin nuuca u jeedo.
Jabhaddu waxay war-saxaafadeedkeeda ku soo gunaanaday hal-ku-dhigga ah “Ammaan ha u sugnaato shuhadadeenna, guushuna ha raacdo halganka shucuubta”.
Hadalkan ka soo yeeray Jabhadda ONLF kama aysan jawabin maamulka gobolka Soomaalida, iyo kan Dowladda dhexe ee Itoobiya.
HBN ONLINE TV

