Puntland oo bilowday qorshe howlgallo looga fulinayo dhanka waqooyi ee Gaalkacyo

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabayo dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo howlgallo la sheegay inay la xariiraan amniga, laguna ilaalinayo nafta iyo hantida shacabka. Tallaabadan ayaa timid kaddib sida bayaanka lagu sheegay ay heleen ciidamada booliska cabashooyin ka soo baxay bulshada oo la xiriira amni-darrada magaalada.

Howlgallada ayaa la tilmaamay in diiradda lagu saari doono la-dagaallanka dhaca habeenkii, maandooriyaha iyo falalka kale ee amniga lidka ku ah. Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in ujeeddadu tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka saameeya badqabka shacabka iyo dadka ku howlan falalka sharci-darrada ah.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee amniga Puntland ayaa lagu amray inay ku sugnaadaan talisyadooda, kana fogaadaan isticmaalka hubka sharci-darrada ah, direyska iyo hantida kale ee ciidanka. Taliska ayaa digniin u diray dadka isu ekaysiinaya ciidamada amniga, kuna howlan wuxuu ugu yeeray “falalka amni-darrada ah”, isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo dambiyo noocaas ah.

Ugu dambayn, Taliska Booliska Gobolka Mudug ee dhanka Puntalnd ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, kana qeyb qaataan sugidda nabadgelyada magaalada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed