Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xamsa waxaa safarkiisa ku wehliya wafdi ballaaran oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Waxbarashada, Cadaaladda, Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha.

Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), iyo waxgaradka kale ee maamulka, iyadoo la filayo in kulamadaasi diiradda lagu saaro arrimaha amniga, horumarinta iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Xukuumadda Waqooyi Bari.

Sidoo kale, waxaa jiray wafdi ka horeeyay Ra’isal wasaaraha oo maalmo ka hor gaaray Laascaanood oo uu hoggaaminaya Taliyaha ciidamada dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo magaalada tagay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in qorshaha ay ka mid tahay in la dhiso talis ciidan oo ciidamada xoogga dalku ka sameynayaan Waqooyi Bari

Xamsa ayaa la filayaa inuu ka dhagax dhigo mashaariic horumarineed gobolka, halka uu xarigga ka jari doono isla mashaariic kale oo dowladda federaalku ka hirgelisay Laascaanood, kuwaas oo la bilaabay intii uu magaalada booqashada ku joogay sanadkii hore.

Wasiirka Caafimaadka Xukuuamadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo si kooban uga warbixiyey socdaalka wafdiga ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn uu yahay in maamulka lagu dhiiri galiyo dowladnimada, lagalana qeyb-galo caawa xuska sanad guuradooda 1-aad, kadib yagleelkii sanadkii hore.

“Waxaan u nimid anagoo ka mid ah wafdiga Ra’iisal Wasaaraha inaan ka qeyb galno xafladda sanad-guurada ka so wareegatay aasaaskii Waqooyi Bari & inaan dhiirigalino dadka halkaan jooga, wasaaradihii dhiggeena ahaane inaan la kulano oo wixii hormar ah iyo wixii cabaqad ah oo haysta aan ka wareysano” ayuu yiri wasiir Cali Xaaji.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed