Ciidamada Dowladda oo guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab ka billaabay deegaano ka tirsan Galmudug & Hirshabeelle

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa billaabay guluf ciidan oo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab, kaas oo ka socda deegaanno ka tirsan maamullada HirShabeelle iyo Galmudug, iyadoo isla markaana ay socdaan abaabulo ciidan oo lagu xoojinayo howlgallada.

Howlgalkan waxaa sida la sheegay garab siinaya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay gulufyo hore oo ka dhan ahaa Alshabaab. Inkastoo howlgalladii hore ay hakad galeen, Dowladda Federaalka ayaa haatan dib u billowday olole cusub oo ay sheegtay inuu ku saleysan yahay qorshe iyo istaraatiijiyad ka duwan tii hore.

Ciidamada ku lugta leh howlgalka ayaa ku wajahan deegaannada ay Alshabaab kaga sugan yihiin HirShabeelle iyo Galmudug. Ka hor bilaabashada gulufkan, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la kulmay cutubyada ciidamada, iyagoo u jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin ku aaddan fulinta howlgalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay in gulufkan cusub loo sameeyay diyaargarow ciidan oo heer sare ah, isla markaana la dejiyay qorsheyaal amni iyo istaraatiijiyadeed oo lagu xaqiijinayo guusha howlgalka.

Sidoo kale, Dowladda ayaa  tilmaantay in faahfaahinta qaar ee qorshaha howlgalka aan la shaacin sababo la xiriira arrimaha amniga iyo sirta ciidamada.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallo DFS ay ku dooneyso sida ay sheegtay in lagu xoreynayo deegaannada ay weli gacanta ku hayaan Alshabaab, iyadoo la kaashaneysa ciidamada deegaanka iyo saaxiibbada taageera howlaha amniga.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 1-dii bishan sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kaas oo uu tilmaamay inuu ka duwan yahay isla markaana ka xooggan yahay howlgalladii hore.

Meelaha hadda si weyn isha loogu hayo waa deegaanada xeebta dhaca ee gobollada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaa oo hadda dowladdu si gaar ah isha ugu hayso, ayna dooneyso in markale dib ugala wareegto kooxda meelaha ay dib ugu soo laabteen baraha ay awal ku sugnaayeen, inkasta oo kooxdu gacanta ku hayso deegaano badan.

 HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed