Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalada militari iyo cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo Alshabaab ay ku qasbeen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda inay isaga soo baxaan, islamarkaana isi soo dhiibaan.
War ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku dhawaaqay wajiga kama dambaysta ah ee howlgalka ka dhanka ah Alshabaab, ay sii kordheen xubnaha kooxda ee isu soo dhiibaya Ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, kadib markii ay kordheen khasaaraha ay gaysanayan duqeymaha iyo howlgalada kala duwan ee dhulka ka socda.
Sida lagu sheegay warka dowladda, maalmihii u dambeeyay waxaa isdhiibay dhowr horjooge oo sheegay inay ka carareen sida bayaanka lagu cabsida, weerarrada joogtada ah iyo duqeymaha Ciidamada dowladda ku hayaan kooxda iyo sidoo kale duruufaha adag ee ay la kulmeen.
Sidoo kale, Dowladdu waxay xustay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Toddobaadkii hore ee la xusayey maalmaha Xorriyadda mar kale ku celiyay cafis uu u fidiyay xubnaha ka tanaasulaya fikirka Alshabaab ee isu soo dhiiba dowladda, si dib loola mideeyo bulshada. Sida lagu sheegay warbixinta, xubnaha ugu dambeeyay ee isdhiibay ayaa lagu soo kala bandhigay deegaannada Mubaarak, Buulomareer iyo Jilib-marka ee gobolka. Ilaa hadda inta la soo bandhigay waxay gaarayaan in ka badan 5 ruux oo dhamaan Shabeellaha hoose ku sugnaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhisay howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo Alshabaab. Sida ay dowladda sheegtay, howlgallo laga fuliyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa toddobaadkan iyo dhammaadka toddobaadkii hore dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay in ka badna 100 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ah.
HBN ONLINE TV

