Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada ee cusub

Muddo bil oo uu magacaaban yahay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa wasiirrada cusub, kadib wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa.

Golaha cusub ayaa ka kooban 26 wasiir, 3 wasiiru dowle iyo 26 wasiir ku-xigeen, kuwaas oo loo magacaabay inay hoggaamiyaan wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan lagu saleeyay baahida loo qabo dardargelinta howlaha maamulka cusub, kor u qaadidda hufnaanta hay’adda Koonfur Galbeed iyo xoojinta adeegyada bulshada, iyadoo la tixgeliyay sida la tilmaamay aqoonta iyo waayo-aragnimada masuuliyiinta la magacaabay.

Xeerka magacaabista ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Luulyo 2026, kadib markii uu saxiixay Hoggaamiye Aadan Madoobe.

Golaha wasiirrada cusub ayaa la filayaa inay si rasmi ah u guda galaan waajibaadkooda, iyadoo magacaabistan ay qeyb ka tahay dib-u-habeynta maamulka Dowladda Koonfur Galbeed.

Gollaha Wasiiradda Koonfur galbeed la magacaabayooda ayaa kala ah:

1 Isaak Mohamed Isack Wasiirka Amniga Gudaha.
2 Mohamed Osman Mohamed (Ore) Wasiirka kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.
3 Xil. Abdulkadir Omar Abdullahi (Baasto) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
4 Eng Hussein Mohamed Hagi Wasiirka Maaliyadda.
5 Xil. Fahad Mohamed Hussein Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta lyo Teknoolajiyadda.
6 Xil. Nuur siidow baaba Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyi Galinta Bulshada.

7 Mowliid Hassan Hussein Wasiirka Dhalinyaradda lyo Cayaaraha.
8 Hassan Abdi Mohamed Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
9 Ibrahim Ali Tifow Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha.
10 Adan Moalin Abdirahman. Wasiirka Awqaafta lyo Arrimaha Islaamka.
11 Xil. Abdikadir Ibrahim Mohamed (Faray) Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada.
12 Xil. Abdulkadir Shariif Sheikhuna Wasiirka Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
13 Mohamed Isack Ibrahim Wasiirka Macdanta lyo Batroolka.

14 Mohamed Hassan Idiris (Ganey) Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha.
15 Xil. iiman Ali Abdi Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada.
16 Abdirahin Mohamed Ibrahim Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka.
17 Abdinasir Abdi Caruush Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
18 Xil Mohamed Osman Haaji (Jiidow) Wasiirka Waxbarashada, Hidaha Iyo Tacliinta Sare.
19 Xil. Sandheere Mohamed Iftin Wasiirka Xanaadada Xoolaha, Dhirta İyo Daaqa.

20 Xil. Abdirahman Abdikadir Nuunow Wasiirka Bay’ada lyo Isbadalka Cimiladda.
21 Abdikadir Yusuf Abdinur Wasiirka Dakadaha lyo Gaadiidka Badda.
22 Xil. Abdifitah Mohamed Ali (Abaroone) Wasiirka Dastuurka.
23 Marwo Sahra Osman Ahmed Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka 24 Mudane Abdirahman Ibrahim Adan (Sate) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose. iyo Dib u-heshiisiinta.
25 Xil. Daweeye Abdullahi Arte Wasiirka Howlaha Guud lyo Dib U Dhiska.
26 Abdirashiid Mohamed Hassan Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga lyo Xasilinta.

3 Wasiiru dowle: 
1 Wasiir Dowle Mudane Abdirahin Hassan Mohamed.
2 Wasiir Dowlaha Madaxtooyadda Xil. Abdimalik Ibrahim Abdulle.
3 Wasiir Dowlaha Maaliyada Xil. Maslah Dhuubow Nuur Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u-heshiisiinta.

Tirada wasiir ku xigeenada:

1 Wasiir Ku-xigeen Xil. Ibrahim Axmed Nuur Wasiirk ku-xigeenka Waxbarashada, Hidaha lyo Tacliinta Sare
2 Xil. Cismaan Adan Maxamed Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha
3 Xil. Axmed Abukar Abdiwahab Wasiir ku-xigeenka Maaliyada
4 Mayow Musdhaf Hassan Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Horumarinta Reer Miyaga lyo Xasilinta
5 Mohamed Yusuf Mohamed Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha
6 Xil. Shaacir Omar Bayle Wasiir ku-xigeenka Boostada, Isgaarsiinta lyo Teknoolajiyadda
7 Xil. Abdihakin Faarah Omar (Shandile) Wasiir ku-xigeenka kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga

8 Xil. Faduma Aweis Osman Wasiir ku-xigeenka Bay’ada Iyo Isbadalka Cimiladda
9 Xil. Hassan Ali Nuur Wasiir ku-xigeenka Xanaadada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
10 Xil. Cumar Farax Axmed Wasiir ku-xigeenka Dakadaha iyo Gaadiidka badda
11 Xil. Nuur Salaad Ibrahim Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada
12 Xil. Maxmed Cali Axmed Muudey Wasiir ku-xigeenka Macdanta lyo Batroolka
13 Xil. Zubeyr Maxamed Siidow Wasiir ku-xigeenka Dastuurka
14 Zakariye Mohamed Ibrahim. Wasiir ku-xigeenka Beeraha lyo Waraabka
15 Xil. Sahane Hussein Ugaas Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

16 Xil. Hussein Ali Moa’lin Addow Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka
17 Xil. Bashir Maxamed Adan Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud lyo Dib U Dhiska
18 Hassan Mohamed Abdikarin Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
19 Xil. Abdirisak Hussein Adan Hussein Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u-heshiisiinta.

20 Xil. Rahma Ahmed Abdiaziz Wasiir ku-xigeenka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
21 Xil. Mohamed Carmo Mohamed Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda iyo Garsoorka.
22 Xil. Abdullahi Issack Mohamud (Ganey) Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta.
23 Xil. Abshir Mohamed Hussein Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha bulshada

24 Xil. Mohamed Nuur Abdi (Fanax) Wasiir ku xigeenka Caafimaadka io Daryeelka Bulshada.
25 Xil. Abdifitaah Issack Mohamed (Samaale) Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka ioy Duulista Hawada
26 Mohamed Aden Ali Wasiir ku-xigeenka Dhalinyarada Iyo Cayaaraha

Lafagurayaasha arrimaha sharciga ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe uu jebiyay Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay sheegeen in tallaabadan ay ka hor imaanaysaa qodobbo dastuuri ah oo mamnuucaya in mas’uul isku mar qabto laba xil oo dastuuri ah. Qodobka 191aad, farqadda 2aad oo waafaqsan qodobka 81aad, faqradda 1aad ee Xarafka (F) iyo si guud Cutubka 15aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026) ayaa dhigaya in uusan hal qof isku mar qaban karin laba xil oo dastuuri ah.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed