Waxaa maanta bannaanbax ka dhigay magaalada Garowe Saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta Puntland, iyagoo ku dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo Wariye Suweys Jaamac Maxamuud (Suweys Gaacayte), oo muddo 8 maalmood ah ku xiran xabsi ku yaalla caasimadda.
Saxaafiyiinta Bannaanbaxa dhigay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin, “Caburinta Saxaafadda waa caburinta Codka” iyo Ereyo kale, waxayna ku doodeen in xarigga wariyaha uu u dhacay si ka baxsan sharciga.
Intii uu socday bannaanbaxa, Saxafiyiinta ayaa socod ku maray xarumaha Baarlamaanka Puntland, Maxkamadda iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Garoowe, halka ay dalbanayeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Wariyaha.
Mid ka mid ah saxafiyiinta ayaa sheegay in ay cambaareynayaan waxa uu ku tilmaamay xarig sharci darro ah oo lagula kacay Suweys, isla markaana ay dalbanayaan in caddaalad la helo, halka mid kale uu yiri, “Saxaafaddu dambi ma aha, Waa ceeb iyo Fadeexad Puntland oo 28-sano galaysa in maanta cadaalad darro la tirsano. Waxaan leenahay cidkasta oo Suweys u xiran tahay xorriyadeeda dib ha u hesho”.
Suweys ayaa la soo wariyey in lagu xiray Magaalada Garoowe 2-dii Luulyo 2026, waxaana ilaa iyo hadda aan la horgeyn maxkamad, iyadoo saxafiyiintu ku doodayaan in arrintaasi ay ka hor imaneyso sharciga Puntland oo dhigaya in qofka la xiro lagu horgeeyo maxkamad muddo 48 saacadood gudahood ah.
Ilaa hadda, Xukuumadda Puntland kama hadlin sababta loo xiray wariye Suweys oo dadka ay la shaqeyso dalbanayaan iyo ehelkeeda in cadaalad ay hesho.
HBN ONLINE TV

