Dowladad Soomaaliya oo digniin ka soo saartay khatarta roobaab dabayl iyo fatahaado la saadaaliyey inay ka dhici karaan dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in dalka uu wajahayo khatarta roobabka El Niño, kuwaas oo la filayo inay sababaan fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac ka dhaca gobollo badan, iyadoo saameyn xooggan ku yeelan karta beeraha, xoolaha, wax-soo-saarka iyo amniga cunnada. Digniintan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay sanadihii u dambeeyay si isdaba joog ah u wajahaysay abaaro iyo fatahaado, kuwaas oo sababay barakac iyo khasaare baahsan.

Kadib kulan uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixintan oo ay diyaariyeen Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA). Golaha ayaa ku baaqay in hay’adaha dowladda ay xoojiyaan u diyaargarowga iyo tallaabooyinka ka hortagga saameynta El Niño, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta nolosha shacabka, ilaalinta beeraha, xoolaha iyo sugnaanta cuntada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyey habraaca isku-xirka farriimaha dowladda ee xaaladaha degdegga ah ee la xiriira falalka argagixisada, heshiisyo is-afgarad oo Soomaaliya la gashay dalalka Turkmenistan, Hindiya iyo Masar, iyo Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa ee muddada 2026 illaa 2030.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed