Golaha Mustaqbalka oo soo bandhigay hannaan doorasho qof & cod ah, balse ka duwan tan dawladu horey u soo bandhigay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hanaan doorssho toos ah oo ku meelgaar ah, kaas oo isku daraya doorasho toos ah iyo sii wadidda nidaamka awood-qaybsiga 4.5 oo si guud dalka kaga qabsooma, kadib Wada-hadalladii ugu dambeeyey ee maanta ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho.

Sida ku cad qorshahooda, muwaadiniintu waxay si toos ah u dooranayaan xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaannada dowlad-goboleedyada, iyadoo aan xisbiyada siyaasadeed ka qaybgelayn geeddi-socodka doorashada.

Sidoo kale, qorshuhu wuxuu dhigaya in codbixiyayaashu ay iska diiwaangeliyaan goobta codbixinta isla maalinta ay codkooda dhiibanayaan, ka hor inta aysan goobta ka bixin.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa waxay soo jeediyeen in heshiis siyaasadeed lagu gaaro muddo 2 toddobaad gudahood ah, doorashooyinka dowlad-goboleedyadana lagu soo gabagabeeyo 3 bilood gudahood, halka doorashada Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha lagu qabto 6 bilood gudahood.

Hindisahan ayaa lagu sheegay inuu ujeedkiisu yahay in la kordhiyo ka qaybgalka shacabka, la xoojiyo sharciyadda hay’adaha dowladda, isla markaana la abuuro waddo loogu gudbo nidaamka doorasho ee qof iyo cod mustaqbalka.

Dhanka kale, goor sii horeysay ayaa guddiga matalaya xisbiga Nabad iyo Nolol ee Madaxweyne hore  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen in doorashadu noqoto mid sahlan oo la wada fahmi karo, lagu kalsoonaan karo, muddo kooban ku qabsoonta, isla markaana qof kasta oo Soomaali ah uu si xor ah ugu codeyn karo xisbiga uu doonayo.

Wada-hadalladan oo bilowday 7-dii Luulyo ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, xilli uu weli taagan yahay khilaafkii siyaasadeed ee sababay xiisado iyo iska horimaadyo hore uga dhacay magaalada Muqdisho.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed