Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo galay wajiga cusub, iyadoo la soo bandhigay hanaan doorasho cusub

Wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa maanta galay wajiga labaad, iyadoo diiradda lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. Kulamada ayaa u dhacay qaab dhowr geesood ah, iyadoo dhinac kasta la siiyey fursad uu ku soo bandhigo aragtidiisa iyo nooca doorasho ee uu u arko mid dalka ku habboon.

Wajigii 1-aad ee wada-hadallada ayaa shalay ku bilowday kulan dhex maray wafdi ka socday Dowladda Federaalka iyo dhinacyada matalayada Mucaaradka. Kulamada waxaa goobjoog ka ahaa dhexdhexaadiyeyaal ka socday Turkiga iyo wakiillo ka socda Beesha Caalamka, iyadoo sidoo kale ay geeddi-socodka taageerayaan Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey.

Galinkii dambe ee maanta, guddiga matalaya xisbiga Nabad iyo Nolol ee Madaxweyne hore  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku soo bandhigay  in ay doonayaan doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyo ku salaysan, taasi oo guud ahaan ka dhacda Soomaaliya. Waxay sheegeen in doorashadu noqoto mid sahlan oo la wada fahmi karo, lagu kalsoonaan karo, muddo kooban ku qabsoonta, isla markaana qof kasta oo Soomaali ah uu si xor ah ugu codeyn karo xisbiga uu doonayo.

“1 Doorasho si sahlan dadku u fahmi karaan. 2 doorasho lawada aamini karo—la wada arki karo, ayna adag tahay in la isku wada qaldo. 3 Doorasho wakhtiga ay ku dhacayso uu kooban yahay” ayaa lagu yiri warka Nabad iyo Nolo.

Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in diiwaangelinta iyo codeyntu ka dhacaan hal goob iyo hal maalin, halka kuraasta Baarlamaankuna ku salaysnaadaan codadka ay xisbiyadu ka helaan shacabka, iyadoo maamulka iyo amniga doorashadana ay ku heshiiyaan dowladda iyo mucaaradka.

“4 Dooorasho dadku u dhan yahay oo qof walba oo Soomaali ah inuu u codeeyo, uu u codeyn karo si xor ah. 5 Dooorasho diwaan galinta iyo codeyntu ay ka dhacayso hal goob, isla hal maalin. 6 Dooorasho qof walba uu u codeynayo xisbiga uu dookhiisu yahay. 7 Dooorasho sida ay xisbiyadu u kala helaan codadka dadweynaha ay u kala badsan doonaan kuraasta Baarlamaanka. 8 Dooorasho maamulkeeda iyo amnigeedaba ay isla ogol yihiin, kuna qanacsan yihiin Mucaaradka iyo Dowladda. 9 Dooorasho isku haynaysa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, ilaalinaysa xornimadooda & madaxbanaanidooda siyaasadeed. 10 Nabad iyo Nolol waxay diyaar u tahay wax walba oo ay Soomaali heshiis ku tahay, danta dalka, iyo dadkane aan waxba u dhibeyn inay qaadato” ayaa la sii raaciyey.

Intii ay socdeen wada-hadallada, waxaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah yeeshay xubnaha Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka iyo dhinacyada dhexdhexaadinaya, kuwaas oo iyaguna ka arrinsaday sidii loo soo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed.

Wada-hadalladan oo bilowday 7-dii Luulyo ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, xilli uu weli taagan yahay khilaafkii siyaasadeed ee sababay xiisado iyo iska horimaadyo hore uga dhacay magaalada Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed