Guddiga Sare ee Dowladda Hindiya u fadhiya Kenya ayaa shaaciyay inuu fududeeyay dib u celinta 4 kalluumeysato oo u dhashay gobolka Tamil Nadu, kuwaas oo muddo ku xanibnaa degmada Laasqoray ee Soomaaliya.
Qoraal lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Guddiga Sare ee Hindiya ee Kenya ayaa lagu sheegay in kalluumeysatadan ay Arbacada mantra ah dib ugu laabanayaan dalkooda, kaddib markii la dhammeystiray dhammaan qabanqaabadii dib loogu celinayay.
Hay’adda ayaa sheegtay inay xiriir joogto ah la lahayd kalluumeysatada iyo qoysaskooda tan iyo markii arrintooda lasoo gaarsiiyay, isla markaana ay ka shaqeysay sidii loo xaqiijin lahaa dib ugu laabashadooda iyagoo nabad qaba.
“Safaaraddu waxay xiriir joogto ah la lahayd kalluumeysatada iyo qoysaskooda tan iyo markii arrinta nala soo gaarsiiyay, iyadoo fududeysay dib ugu laabashadooda si ammaan ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay Guddiga Sare ee Dowladda Hindiya ee Kenya.
HBN ONLINE TV

