Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay wada hadalladii shalay dhex maray wakiillo ka socday dowladda iyo xubno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo ka dhacay xarunta Xalaneiyadoo uu fududeynayay dowladda Turkiga.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta DFS ayaa lagu sheegay in kulanka uu socday saacado badan, islamarkaana diiradda lagu saaray qodobbada ugu waaweyn ee ay dhinacyadu isku hayaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.
Sida bayaanka lagu sheegay, labada dhinac waxay isku afgarteen in la sii wado wada hadallada si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, loona xoojiyo xasilloonida siyaasadda, amniga iyo horumarka dalka.
“Kulanka wuxuu ku soo dhammaaday jawi isfaham, waxaana lagu ballamay in ay sii socdaan shirarka iyadoo la raadinayo xasilloonida siyaasadeed iyo mid amni,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadcelisay dowladda Turkiga doorkii ay ka qaadatay fududeynta wada hadallada iyo dadaallada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya labada dhinac.
Wada hadalladan ayaa imanaya xilli mucaaradku uu dhowaan soo bandhigay hindise ku saabsan nooca doorasho ee dalka lagu geli karo, halka dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, si shacabka loogu kordhiyo ka qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Kala aragti duwanaanta u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka ayaa hore u horseeday xiisado siyaasadeed iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Juun.
Labada dhinac ayaa wajahaya cadaadis iyo dhiirrigelin uga imanaya saaxiibbada caalamiga ah, gaar ahaan dowladda Turkiga, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu xallinayo qodobbada la isku hayo, kuwaas oo ay ugu horreeyaan arrimaha doorashooyinka.
Dhanka kale waxaa markii ugu horeysay ka mid ahaa Ergo matalayey Madaxweynihii ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaa oo dhankooda bayaan kasoo baxay lagu sheegay in Kulanku u qabsoomay jawi deggan, kaasi oo u suurtageliyey dhammaan dhinacyadu inay yeeshaan aragti isweydaarsi furan, hufan, isla markaana wax-ku-ool ah, halka ay ku heshiiyeen in la sii wado hannaanka wada-hadalka loo dhan yahay
HBN ONLINE TV

