Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo kaashanaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Deegaanka (GEF), ayaa daahfurtay mashruuc qiimihiisu yahay 12 milyan oo doollar, kaas oo lagu xoojinayo adkeysiga magaalooyinka ee isbeddelka cimilada kana hirgelaya 17 magaalo intii u dhexeysay 2026 illaa 2030. Mashruucan ayaa si toos ah uga faa’iideyn doona in ka badan 850,000 oo qof, gaar ahaan haweenka, dhallinyarada iyo barakacayaasha.
Mashruucu wuxuu taageeri doonaa aida la sheegay qorsheynta magaalooyinka ee u adkaysata isbeddelka cimilada, ka hortagga fatahaadaha, maaraynta biyaha iyo xalalka ku saleysan dabeecadda si loo yareeyo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo kulaylka sii kordhaya. Sidoo kale wuxuu bixin doonaa tababaro, taageero farsamo iyo maalgelin loo fidinayo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, gaar ahaan kuwa ay haweenku hoggaamiyaan.
Magaalooyinka mashruucu ka hirgeli doono ayaa kala ah Muqdisho, Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso, Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama, Dhuusamareeb, Hobyo, Koonfurta Gaalkacyo, Beledweyne, Jowhar, Baydhabo, Xudur, Kismaayo iyo Garbahaarey. Dhanka kale, maamulka Waqooyi Soomaaliya ayaa aan ka soo muuqan meelaha loo asteeyey in Barnaamijkan ka faa’iideystan.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in mashruucu xoojin doono hay’adaha maxalliga ah, dib u soo nooleyn doono dhulalka deegaanka ee burburay, horumarin doono kaabeyaasha u adkaysta isbeddelka cimilada isla markaana dhiirrigelin doono kobaca dhaqaalaha cagaaran si Soomaaliya ay ugu diyaar garowdo saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.
HBN ONLINE TV

