Madaxweyne Deni oo Garowe kula shiray hoggaanka degmooyinka Puntland 

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garowe kulan kula yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland, kadib markii shalay Baarlamaanka maamulkaasi uu meel mariyey sharci wax looga beddelayo tirada xubnaha golayaasha deegaanka.

Kulanka oo ay garwadeen ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray dardargelinta maamul-daadejinta, xoojinta wada-shaqeynta maamulka iyo degmooyinka.

Waxaa kulanka ka qeyb galay dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee lagu soo doortay nidaamka qof iyo codka ee Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka socday xafiisyada madaxtooyada iyo wasaaaradda arimaha gudaha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in isbeddelka lagu sameeyay golayaasha deegaanka iyo kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay hoggaanka degmooyinka ay qeyb ka yihiin qorshe lagu xoojinayo hufnaanta maamulka iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka ee soo socda.

Kulankan waxaa uu imaanaya, kadib markii shalay ay golaha Baaralamanka Puntland oo meel mariyay sharci lagu dhimayo tirada xubnaha Golayaasha Deegaanka, kaasi oo si weyn u dhimaya kuraasta golayaasha degmooyinka. Sida sharciga cusub dhigayo, degmooyinka waaweyn ee heerka 1-aad (A) oo hore u lahaa 33 xildhibaan ayaa yeelan doona 15 xildhibaan, halka degmooyinka heerka 2-aad (B) oo lahaa 27 xubnood loo dhimay 11 xildhibaan. Sidoo kale, degmooyinka heerka hoose ee 3-aad (C) oo lahaa 21 xubnood ayaa hadda yeelan doona 9 xubnood.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed