Somaliland oo soo saartay shuruuc cusub oo lagu maamulayo warbaahinta iyo isticmaalka baraha bulshada

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku dhawaaqay shuruuc iyo digniino cusub oo khuseeya warbaahinta iyo isticmaalka baraha bulshada, iyagoo sheegay in tallaabooyin sharci laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta xeerarka jira.

Booliska Somaliland ayaa sheegay in warbaahin kasta oo ka howlgasha Somaliland ay waajib ku tahay inay haysato ruqsad ay bixisay Wasaaradda Warfaafinta. Wuxuu xusay in saxafiyiintu ay tahay inay wataan kaarka aqoonsiga saxafinnimo ee ururka SOLJA, isagoo caddeeyay in warbaahin ama saxafi aan shuruudahaas buuxin aan loo oggolaan doonin inay duubaan ama wareystaan shacabka.

Sidoo kale, Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Xeerka Somaliland Lr. 27, qodobka 23-aad uu mamnuucayo in warbaahintu wareysato carruurta da’doodu ka yar tahay 15 sano, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid aan waafaqsanayn sharciga iyo dhaqanka bulshada Somaliland.

Dhanka kale, Booliska Somaliland ayaa digniin u diray dadka isticmaala baraha bulshada, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan faafinta waxyaabaha ay ku tilmaameen kuwo anshax-xumo ah ama lid ku ah sharciga. Boolisku wuxuu sheegay in cid kasta oo ku adkeysata ku xadgudubka xeerarka ay la kulmi doonto tallaabooyin sharci ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed