Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Baydhabo kaga qeyb galay caleema saarka hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), isaga iyo madax kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaal dowlad-goboleedyo ayaa jeediyey khudbad uu dhinac badan kaga hadlay arimaha doorashooyinka, khilaafka kala dhexeeya mucaaradka iyo hoggaankii hore koonfur galbeed ee meesha laga saaray.
Wuxuu marka hore dhambaal hambalyo ah u diray hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, isagoo ku ammaanay qabsoomidda doorashooyinka ee ka hirgalay maamulkaas. Wuxuu sheegay in iskaashiga Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu uu yahay tiirka lagu xaqiijin karo amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dhanka dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, isagoo carrabka ku adkeeyay in dalku uu ka gudbayo nidaamkii doorashooyinka ee ku salaysnaa wuxuu ku tilmaamay dano gaar ah iyo siyaasado shaqsiyeed.
Wuxuu soo hadal qaaday khilaafka dhexmaray isaga iyo maamulkii hore ee uu hoggaamiyey Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu ku dooday in uusan wax dhib ah u geysan, balse ku eedeeyey in uu diiday in doorashada lala tartamo.
Dhanka kale, Intaan idinla wadaagin hadalada kale ee la jeediyye, wallow ay dowladda dhexe sheegtay in dalka lagu dhaqayo dastuurka cucub ee dhawaan la ansixiyey, badine ay ka soo horjeedaan dhinacyada mucaaradka, hadane xukuumadda Somaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo maanta ay madaxda maamullada noqon doonaan Hoggaamiyaal, bedelkii Madaxweyne. Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada noqdeen Hoggaamiyaaal maamul, uuna dhigayo dastuurka cusub ee dalka.
Ra’iisal Wasaaare Xamsa Cabdi Barre oo isna ka hadlay goobta ayaa hadalo mucaaradka Koonfur galbeed uu ugu duur-xulayo ku sheegay in Soomaaliya uusan ka shaqeynayn wuxuu ku tilmaamay “Jabhadnimo & hub uruursi”.
HBN ONLINE TV

