Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka socda munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq ballaaran iyo feejignaan amni oo aad loo adkeeyay.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, madax ka socota dowlad-goboleedyada dalka, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Mas’uuliyiinta ayaa lagu wadaa inay jeediyaan khudbado ku saabsan horumarinta dowladnimada, amniga iyo hannaanka doorashooyinka, iyadoo caleemo-saarku ku soo beegmayo xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed ee ku saabsan isbeddellada ay dowladda federaalku ku waddo nidaamka doorashooyinka dalka.
Dhanka ammaanka, ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo. Waxaa la xoojiyay—ciidamo dheeraad ahne lagu kordhiyey xarumaha maamulka, waddooyinka waaweyn iyo goobta lagu qabanayo munaasabadda, si loo xaqiijiyo badqabka madaxda iyo martida ka qeyb galeysa xafladda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo baaritaannada amni ay maanta si muuqata uga duwan yihiin maalmihii caadiga ahaa, taasoo ka tarjumeysa muhiimadda munaasabadda.
Sida ay qabaan qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda, qabsoomidda munaasabaddan iyo ka qeybgalka madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo martida kale waxay xoojin kartaa sharciyadda iyo mowqifka hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, arrintaas oo ay aaminsan yihiin inay dhabarjab siyaasadeed ku noqon karto dhinacyada kasoo horjeeda maamulka cusub ee beddelay xukuumaddii uu hoggaaminayay Laftagareen.
HBN ONLINE TV

