Maamulka Waqooyi Bari oo todobaadyo ka dib soo faragliyey dhacadii dhimashada badan sababtay ee Aricadeeye

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saaaray labo toddobaad kadib markii uu dhacday weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Ari-cadeeye ee gobolka Sool, waxaana uu bilaabay in baaritaan lagu sameeyo dhacdooyinkii rayidka galaaftay ee deegaankaasi.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu magacaabay guddi arrintaan loo saaray uu yimid kaddib markii uu dhageystay warbixin ay soo gudbiyeen hay’adaha amniga, iyadoo loo cuskanayo Qodobka 72-aad ee Dastuurka maamulka.

Guddiga ayaa loo xilsaaray inay si madax-bannaan u baaraan dilalkii ka dhashay dagaalladii Ari-cadeeye, isla markaana dib u eegis ku sameeyaan doorkii iyo tallaabooyinkii ay qaadeen hay’adaha amniga ka hor iyo kaddib dhacdooyinkaas.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah Wasiirka Amniga Cabdi Xasan Maxamed oo guddoomiye u ah, Wasiirka Cabdiqaadir Maxamed Ducaale, Wasiirka Jaamac Faarax Muuse, Xildhibaan Cabdiqaadir Cabdi Warsame iyo Xildhibaan Cabdi Muuse Axmed.

Madaxweyne Firdhiye ayaa xubnaha ku boorriyey inay si hufan oo madax-bannaan u gutaan baaritaanka dhacdadii Ari-cadeeye oo sababtay dhimashada dad badan.

Kadib dhacdooyinkan 28-kii bishii hore ee Juun, Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto uu deegaannadiisa ka mamnuucay in cid aan ahayn ciidankiisa ay ku dhex qaataan hub, halka si guud dadka rayidka ah la tilmaamay in aan loo oggolayn hub nooc kasta, iyada oo of kasta oo jebiya amarkan la marsiin doono ciqaabta uu dhigayo sharciga amniga, halka hub kasta oo ay qabtaanna si rasmi ah ay ula wareegi doonto Waqooyi Bari.

Go’aankan ayaa imaanaya iyada oo 22-kii Juun ay dagaallo qabaa’il oo ka dhacay deegaaanka Ari-cadeeye oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood ay ku dhinteen 21 ruux oo Caruur, Haween iyo dad da’ ah ku jireen—ayna dhaliyeen carro xooggan oo deegaanka ka bilaabatay. Mid kamid ah odaayasha dhaqanka Ari-cadeeye ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaaanka ay gaartay 28 ruux, isaga oo tilmaamay in laga baaqsan karay dhacdada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed