Puntland oo diiday heshiis kasta oo Turkiga loogu oggolaanayo inuu ka howl-galo biyaha badeedka deegaannadeeda

Maamulka Puntland ayaa ka horyimid in heshiis kasta oo Turkiga loogu oggolaanayo inuu ka kalluumaysto deegaannada xeebaha biyaha ay ka maamullaan Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ama ka fuliyaan hawlo amni iyo ciidan xeebahooda, waxaana ay ku tilmaamay tallaabo ka hor imaaneysa dastuurka iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu leeyahay awood dastuuri ah oo uu ku maamulo, ku ilaaliyo kuna maareeyo kheyraadka ku yaalla dhulkiisa iyo biyaha xeebaha Puntland. Waxay sidoo kale uu sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan geli karin sida uu ku dooday heshiisyo la xiriira dhulka ama biyaha Puntland iyada oo aan oggolaansho ka helin maamulka.

Puntland ayaa ku doodday in dowladda federaalka aysan awood u lahayn inay bixiso rukhsado ama gasho heshiisyo maalgashi oo khuseeya Puntland, waxayna sheegtay in muddadii rasmiga ahayd ee xilheynta dowladda Federaalka ay dhammaatay. Maamulka ayaa intaas ku daray inuu xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaaro cidda ka faa’iideysanaysa kheyraadkiisa.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in shirkado ama hay’ado shisheeye iyo kuwo dowladeed, oo ay ku jirto shirkadda SOMTURK, aysan ka fulin karin kalluumeysi, sahamin, ilaalinta xeebaha, kormeer ama hawlo kale oo ka dhaca biyaha Puntland iyaga oo aan marka hore fasax ka helin hay’adaha awoodda u leh ee maamulka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in kheyraadka badda iyo dhaqaalaha buluugga ah ee ku teedsan xeebta Puntland oo dhererkeedu gaarayo ku dhowaad 1,600 oo kiiloomitir oo ku fidsan Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ay leeyihiin shacabka Puntland, sida uu dhigayo Dastuurka Puntland. Waxa uu sidoo kale ka digay in cid kasta oo ka hawlgasha dhulka ama biyaha Puntland iyada oo aan oggolaansho haysan ay la kulmi doonto tallaabooyin sharci.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa sheegtay inay weli ka go’an tahay wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha iyo saaxiibbada caalamka, isla markaana ay soo dhoweynayso maalgashi iyo iskaashi waara oo waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo kan Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed