Puntland oo bilowday tilaabo lagu abaabulayo xildhibaanada deegaanadeeda oo looga hortagayo qorshaha DFS ee ciidamada ay ka qoreyso deegaanadeeda

Qaar ka mid ah Xildhibaanno ka tisan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland ayaa soo saaray bayaan ay si adag uga hadleen dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dowladda federaalka ay ka waddo deegaannada maamulkaas.

Illaa 30 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, lagana soo doorto Puntland ayaa soo saaray bayaanka lagu  eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wiiqayo sida ay hadalka u dhigeen nidaamka federaalka isla markaana uu ku tuntay dastuurka dalka.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in dowladda dhexe ay ciidamo ka qoranayso gudaha Puntland, iyagoo ku andacooday in tallaabadaasi ay horseedi karto hurinta colaado ka dhaca deegaannada maamulkaas. Nuuca dagaal ma aanay sheegin iyo qaabka uu u dhici karo.

Sidoo kale, Waxay ku eedeeyeen dowladda inay magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya u adeegsanayso sida ay hadalka u dhigeen si khaldan, isla markaana ay maalgelinayso maleeshiyaad beeleedyo, arrintaas oo ay sheegeen inay halis ku tahay nabadda iyo nidaamka federaalka.

Bayaankan oo ay baahiyey warbaahinta maamulka ayaa ugu baaqay xukuumada Puntland iyo shacabka inay muujiyaan midnimo iyo isku duubni, si ay uga hortagaan waxay ku tilmaameen tallaabooyin lagu wiiqayo federaalka iyo jiritaanka Puntland.

Ugu dambeyn, xildhibaannadu waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda ka taagan Puntland, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe, kaddib wararka la xiriira qorista ciidamo cusub ee gudaha Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed