Ku dhawaad 130 muwaadin Soomaali ku dhibaateysnaa xabsiyada Magafayaasha Liibiya oo dib loo celshay

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 129 muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ula midoobaya hadda qoysaskooda, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.

Muwaadiniinta la soo celiyay ayaa waxaa dalka keenay diyaarad gaar ah, iyadoo 19 qof laga dejiyay magaalada Hargeysa, halka 110 qof oo kalena laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soo dhoweynta muwaadiniintan waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowaldda Soomaaliya oo ay ugu horeyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xubno ka tirsan Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Mas’uuliyiinta ayaa muwaadiniinta dib ugu soo laabtay dalka u jeediyay dardaaran ku saabsan inay ka fogaadaan tahriibka sharci darrada ah iyo khataraha naf iyo maalba leh ee safarradaasi ay la yimaadaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka dibadda, iyadoo kaashanaysa hay’adaha iyo waddamada ay wada shaqeyntu kala dhexeyso.

Dhalinyarradaan ayaa intooda badan qaab sharci darro ah ku tagay Liibiya, iyagoo doonayay in ay u sii gudbaan dhinaca qaaradda Yurub, weliba qaab Tahriib ah.

Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee Liibiya u socdaalaya ayaa inta badan wajahaan, xarig sharci-darro ah iyo jirdil, madax-furasho lacageed oo qoysaskooda lagu cadaadiyo & halista bad-mareenka, taasoo sanad walba sababta dhimashada boqollaal qof.

Muddo hadda ka yar sanad, Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in dalka dib ugu soo celiso ku dhawaad 500 oo ruux oo dhamaan dhibaatooyin adag ku haysateen dalka Liibiya. 23-kii bishii April ee sanadkan 2026 waxaa dalka dib loogu soo celiyey 174 muwaadin, halka 23-kii Bishii September 2025 la soo celiyey 173 ruux, waxaana intooda badan ahaayeen dhalinyaro ku xirnaa xabsiyo sharci-darro ah oo ku yaalla dalka Liibiya, ayna kala soo kulmeen dhibaatooyin iyo tacadiyo aad u adag.

Howlahan samatabixinta inta ay socdeen waxaa dhacay dhacdooyin murugo leh, kadib markii 26-kii Bishii April ee sanadkan 2026 la soo wariyey geerida 17 dhalinyaro Soomaali ah oo ku naf waayey Badda u dhexeysa Spain iyo Algeria. Dowladda Soomaaliya oo xogtan soo bandhigtay ayaa sheegtay in 12 ka mid ah ay ahaayeen wiilal, halka 5 kalena ay ahaayeen gabdho, da’dooduna u dhaxeysay 18 ilaa 30 sano.

16-kii August 2025, waxaa la xaqiijiyey geerida gabar yar iyo aabaheed oo ka mid ahaa tiro 110 ruux oo 90 Soomali tahay oo doon kula rogmatay Badda Mediterranean-ka, si gaar ah inta u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Sanadkii hore, Hay’adda Dabagalka Barakacaayaasha ee loosoo gaabiyo (DTM) ayaa sheegtay in 5,435 Tahriibayaal Soomaali ah ay galeen Qaaradda Yurub intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025 kuwaas oo hadda ku kala sugan dalal kala duwan. Soomaalida tahriibtay ayaa ah 4% marka la barbar dhigo tahriibayaasha kale ee Qaaradda Afrika ka socdaashay sanadkii hore ee diiwaankooda sida rasmi ah loo helay laguna xusay warbixintaan Hay’adda DTM soo saartay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed