Muuse Biixi oo si adag ugu jawaabay madaxweyne Cirro

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha xilka kaga dambeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), inuu ka been sheegay hadal la xariira arrimaha aqoonsiga Somaliland.

Qoraal uu ku baahiyay boggiisa rasmiga ah, Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu si khaldan u sheegay inuu horey u sheegay inuu 2 jeer aqoonsi ka helay dalalka Guinea Conakry iyo Itoobiya. Biixi ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sax ahayn, isagoo caddeeyay inuusan waligiis sheegin inuu aqoonsi rasmi ah ka helay labadaas dal.

Waxa uu sheegay in hadalkiisii hore uu ahaa in aqoonsigu yahay mudnaanta 1-aad ee Somaliland, balse loo baahan yahay in arrinta si taxaddar leh loo maareeyo si aan khilaaf gudaha ahi uga dhalan.

Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliland inay wax ka beddeshay hadalkiisii markii la baahinayay, isagoo intaas ku daray in sidoo kale aan la baahin hadalkii uu madasha ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin.

“Madaxweyne cirro wuxu madashaa ka sheegay in aan sheegay in laba jeer aan ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia. Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay. Arrintaasi been baad sheegtay . Waxaa nasiib darro ah in madaxtooyadu ay jarjartay hadalkaygii oo la nuxur tiray, Sido kale, waxa gabi ahaanba meesha laga saaray hadalkii uu madasha ka jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin” ayuu yiri Muuse Bixii.

Biixi ayaa su’aalo ka keenay habka loo maareeyay safarrada dibadda ee Madaxweyne Cirro, isaga oo sheegay inay jireen safarro iyo kulamo si qarsoodi ah loo fuliyay, wuxuuna Madaxweyne Cirro weydiiyay waxa sababay qarsoodiga iyo kala qaybinta waftiyada safarrada rasmiga ah.

“safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israa’iil hore u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba, waana kow madaxweyne Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay” ayuu sii raaciyey.

Xukuumadad madaxweyne Cirro weli kama jawaabin hadaladan beeninta ah ee ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Somaliland oo si weyn uga hor yimid go’aanada maamulka hadda jira ku wajahayo raadinta aqoonsiga Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed