Khasaare culus oo hantiyeed oo ka dhashay Dab xooggan oo ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla Boosaaso

Dab xooggan ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka kacay kaalin shidaal oo lagu magacaabo OPEC, taas oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Dabkan oo si xowli ah u fiday ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee dhalisay, balse muuqaaladii ugu dambeeyey ayaa muujinaya uuro iyo holac xooggan oo cirka isku shareeray, kaasi oo marba marka ka dambeysa sii xoogaysanaya.

Dadaallo ay wadaan shacabka iyo ganacsatada ayaa socda si loo damiyo dabka loogana hortago inuu ku faafo goobaha ganacsiga ee ku dhow kaallinta shidaalka. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dabka inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in magaalada aysan lahayn gaadiidka dab-damiska, inkastoo dabku uu ka kacay goob ku taalla aag ganacsi oo xasaasi ah, taasi oo sii adkaysay dadaallada lagu xakameynayo.

Maqnaanshaha adeegga dab-damiska ee Boosaaso iyo dekedda ayaa horey loogu dhaliilay maamulka Puntland, iyadoo dad badan ay marar badan walaac ka muujiyeen baahida loo qabo adeegyo degdeg ah oo wax ka qabta musiibooyinka noocan oo kale ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed