Banaanbaxyo ka dhacay Koonfur Afrika oo sababay in la bililiqeysto ku dhawaad 10 dukaan oo ay Soomaali leedahay

Ku dhawaad 10 dukaan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa la sheegay in la bililiqeystay, kaddib banaanbaxyo looga soo horjeeday muhaajiriinta sharci-darrada ah oo ka dhacay qaybo ka mid ah dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanka Clermont ee magaalada Durban.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxyadii dhacay 30-kii Juun ee Shalay ay xigay weerarro lagu qaaday dukaamo ay leeyihiin ajaanib, kuwaas oo ugu yaraan 6 ka mid ah lagu bililiqeystay habeenimadii Xalay. Inkasta oo booliisku ay sheegeen inay dhaqaale badan ku bixiyeen la dagaallanka dambiyada, haddana xaafado badan oo Durban ka tirsan ayaa waxaa ka dhacay boob iyo bililiqo.

Qoys Soomaaliyeed oo ku ganacsaayey muddo ku dhow 11 sano dalkaasi, si gaar ah xaafadda Clermont, ayaa sheegay inay si weyn uga niyad-jabeen kadib markii laba ka mid ah dukaamadooda la dhacay. Waxay sidoo kale sheegeen in dibadbaxyada iyo hadallada sii kordhaya ee ka dhanka ah ajaanibta ay saameyn ku yeesheen xiriirkii ay la lahaayeen bulshada deegaanka.

Maxamed Abdul, oo maamula dukaanka Lovemore ee la bililiqeystay, ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhacdooyinkii ugu dambeeyay, isagoo tilmaamay in qoyska uu muddo dheer si nabad ah uga ganacsanayay deegaanka, balse hadda ay wajahayaan xaalad amni darro iyo khasaare hantiyeed.

Wararkii ugu dambeeyey ee dalkasi ka imaanaya ayaa sheegaya in aan la soo warin in wax dhimasho ah ka dhalatay rabshada Ajaaniibta looga soo horjeedo ee Koonfur Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed